Last
Updated Tue, Dec. 04 2007 08:20 am-Mogadishu Somalia
Weeraro
xalay lagu qaaday fariisimo ay ciidamada DS & kuwa Ethiopia Muqdisho
ku leeyihiin
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 04, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Kooxo
hubeysan ayaa xalay weeraro ku qaaday fariisimo ay ciidamada Ethiopia
iyo kuwa Somalia ay ku kala leeyihiin degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid,
kaas oo keenay in dad rayid ah ay ku dhintaan.
Ugu
yaraan inta la ogyahay waxa ku dhintay labo ruux iska hor imaadyo
ka dhacay agagaarka xaafadda Jungle ee degmada Yaaqshiid kaas oo
u dhaxeeyay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxaha wax iska caabinta
oo weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada ku leeyihiin degmadaasi.
Dadka
dhintay oo la sheegay in ay ahaayeen labo wiil oo da’ yar
ayaa waxa rasaastii la isweydaarsanayay ay ugu tagtay gurigooda
oo ku yaalla xaafadda Jungle ee degmadaasi, sida ay sheegeen dadka
deegaanka.
Sidoo
kale kooxo hubeysan ayaa weerarkoodii is xiga ku dhawaad 7 habeen
ku qaaday xalay daarta Xayle Bariise iyo warshadii Baastada oo ay
dagan yihiin ciidamada Ethiopian ah.
Lama sheegin weeraradaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo
Heliwaa qasaarihii uu soo kala gaaray dhinacyadii uu iska hor imaadku
uu dhex maray, hasa yeeshee waxa uu qal qal ku abuuray xaaladda
deganaanshiyo ee deegaanadaasi.