Last
Updated Tue, Dec. 04 2007 08:20 am-Mogadishu Somalia
Ciidamada
DS iyo kuwa Ethiopia oo baaritaano ka wada qeybo ka mid ah Muqdisho
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 04, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Ciidamada
Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia ayaa saaka baaritaano ka billaabay
qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ay ka dhaceen
iska hor imaadyo qaraar xalay.
Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka dadweynahaba u diiday in ay maraan
xaafadaha qaar iyagoo guri guri u baaraya xaafadaha degmooyinkaasi
qaar.
Lama
sheegin illaa iyo hadda cid ay u qab qabteen iska hor imaadyadaasi
joogta noqday ee lagu qaado fariisimada ay ciidamadaasi ku leeyihiin
degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.
Dhalin
yaro aad u fara badan ayaa isaga baxay deegaanadooda, kuwaas oo
ka cabsi qaba in loo qab qabto rabshadahan ka jira degmooyinka Heliwaa
iyo Yaaqshiid.
Arrintani
ayaa waxa sidoo kale ay ka dambeysay, ka dib markii shalay ay ka
dhaceen qeybo ka mid ah Heliwaa dagaal qaraar oo salfaday nolosha
in ku dhow 10 ruux oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen tiro intaa ka
badan, kaas oo yimid ka dib markii sidaan oo kale habeenkii xalay
ka horeeyay ciidamadaani la weeraray ayna ku soo faafeen barqadii
shalay xaafadaha degmada Heliwaa, taas oo keentay in uu iska hor
imaadku dhaco.
Dadka
ayaa hadda dhegaha u taagaya bal waxa dhici karaya, maaddaama ay
ciidamadaasi ku soo faafeen xaafadaha qaar ee degmooyinka Yaaqshiid
iyo Heliwaa.