Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 04, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Afar
Mudane oo ka tirsan xukuumadda uu soo dhisay Raysal wasaare Nuur
Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa xalay fiidkii Baydhabo kaga dhawaaqay
in ay is casileen, ka dib markii sida ay sheegeen ay ka waayeen
madaxda dowladda tix galin la’aan ku aaddan soo jeedintoodii
ka hor ku dhawaaqidda xukuumadda.
Xubnaha is casilay ayaa waxa ay kala yihiin wasiirka Amniga Qaranka
Col. Xasan Max’ed Nuur Shaati Gaduud, wasiiru dowlaha dib
u heshiisiinta Sheikh Aadan Sheekh Madeer, Cabdi Kaafi Max’ed
Xasan oo ah wasiir ku xigaanka wasaaradda ganacsiga iyo wasiiru
dowlaha Qorsheynta Ibraahim Max’ed Isaaq Ibrow.
Shir jaraa’id oo ay xalay fiidki Baydhabo ku qabteen ayay
mudanayaashaani ku sheegeen in ay is casileen, waxana hadal ay u
igmadeen ku sheegay Col. Shaati Gaduud in beelaha Digil iyo Mirifle
laga ilaalilanayo jagooyinka muhimka ah ee wasaaradaha iyo sidoo
kale ay ku dulman yihiin dhinaca safiirada dibadeed.
Shaati ayaa sheegay in ay ugu weyn tahay arrimahooda is casilaadda
iyagoo laga tix galin waayay codsiyo ay u soo jeediyeen madaxda
dowladda, islamarkaana ay muuqato sed bursi beeleed oo aanu carabaabin
beesha sidaa sameyneysa.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Shaati Gaduud, in sidoo kale arrimaha
federaalka lagu xadgudbay.
Istiqaaladda ay shaaciyeen mudanayaashan ayay sheegeen in ay ugud
binayaan madaxda dowladda Somalia si looga aqbalo.
Xildhibaan Xasan Max’ed Nuur Shaati Gaduud ayaa ka mid ahaa
xubno fara ku tiris ah oo dhawaantan diiday in ay dhaartaan ka dib
markii lagu darray liiska xukuumadda cusub ee Nuur Xasan Xuseen
Nuur Cadde.