Last
Updated Tue, Dec. 04 2007 08:20 am-Mogadishu Somalia
Mareykanka
oo ka hadlay kulanka la filayo in uu ka dhaco Ethiopia ee diiradda
lagu saarayo arrimaha Somalia
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 04, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Dowladda
Mareykanka ayaa sheegtay inay ka rajeyneyso dowladda Kenya ka qeyb
qaadashada wada hadal todobaadkan la filayo in looga hadlo arimaha
ka taagan dalka Somalia.
Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ee arimaha Afrika
Jandaya Frazer oo ka hadlaysay safarka xoghayaha arimaha dibada
ee Mareykanka Condoleezza Rice ay ku tageyso dalka Ethiopia ayaa
ugu sheegtay wariyayaasha magaalada Washington inay Mareykanku uu
rajeynayo in Kenya uu ka qeyb qaadan doono kulanka ka dhacaya xarunta
ururka Midawga Afrika ee Ethiopia ee looga hadlayo arimaha ka taagan
dalalka Sudan iyo Somalia.
Condoleezza Rice ayaa la filayaa in kulan looga hadlayo arimaha
Somalia ay la qaadato madax caalami ah oo ka qeyb qaadaneysa kulankaasi
ka dhici doona xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa, iyadoo kulanakasina
ay ka qeyb gali doonaan madax ka kala socota wadamada Somalia, Uganda,
Jibuuti, Ethiopia, iyo Qaramada Midoobe iyo Midawga Afrika.
Jandaya frazer oo kulankaasi sii tixraaceysa ayaa sheegtay inay
ka rajeynayaan dowladda Kenya inay gacan ka geysato talo ka bixinta
doorasho si cadaalad ah uga dhacda gudaha dalka Somalia sanadka
2009, iyo sida dalka Somalia uu uga bixi lahaa colaadda raagtay
ee ka taagan Somalia iyo xaalada bini aadanimo ee ka taagan magaalada
caasimada ah ee Muqdisho iyo deegaanada udhow dhow.
Waxa ay sheegtay Jandaya Frazer in dadka ka qeyb qaadanaya kulankan
ay dhinac isaga riixi doonaan sida ay hadalka u dhigtay xag jiriin
ay sheegtay inay wadaan dhibaato,waxana ay ku baaqday in si dag
dag loosoo dhamestiro ciidamada Midawga Afrika ee la geynayo Somalia.
Ugu dambeyntii Frazer ayaa sheegtay in muhimada ka qeyb qaadashada
Kenya ee kulankani ay tahay inay gacan ka geysan karto xaaladaha
Somalia maaddaama ay daris la tahay dalka Somalia ee ay dagaaladu
la dageen.