Last
Updated Mon, Tue.04 2007 08:20 am-Mogadishu Somalia
23
maalin ka dib oo Shabakadda warbaahinta Shabelle hawada ku soo laabatay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 04, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Guddiga
amniga qaranka ayaa maanta shaaca ka qaaday in Idaacadaha Madaxa
Banaan ee Shabelle, Simba iyo Radio Banaadir ay fasaxan yihiin oo
ay shaqeysan karaan, ka dib markii inka badan 20 cisho ay u xirnaayeen
idaacadahaasi dowladda Somalia.
Kulan
maalmahanba uga socday xarunta gobalka madaxda idaacadahaasi madaxa
banaan iyo maamulka Banaadir ayaa ugu dambeyn la isku raacay in
idaacaduhu ay shaqeyn karaan, ka dib markii la isku afgartay qodobo
la isku heystay.
Qodobadaasi
oo uu maamulka Banaadir soo bandhigay ayaa waxa dood dheer ka dib
ay noqdeen in qaar ka mid ah qodobadaasi wax badan laga badalay
qaar kalena la isku raacay.
Idaacadda
Shabelle oo xirnayd muddo 23 maalmood ah, ayaa dib u howl galiddeeda
waxa si diiran u soo dhaweeyay dad weynaha Somaliyed gaar ahaan
kuwa reer Muqdisho.
12
kii Novmber ayey aheyd markii Shabelle ay soo galeen ciidamo ka
tirsan dowladda Somalia ayna amreen in ay idaacaddu xiran tahay
15
kii bishii September ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda
KMG ah ay xoog ku soo galeen xarunta idaacadda oo ay ka xeysteen
19 ka mid ah shaqaalaha idaacadda.
18
kii bishii september ayaa sidoo kale ciidamada dowladda waxa ay
weerar ku soo qaadeen xarunta idaacadda ka dib markii ay rasaas
socotey muddo saacado ay la beegsadeen dhismaha xarunta, waxaana
rasaastaasi ay sababtay burbur soo gaaray qalabka idaacadda iyagoo
ku dhowaad muddo 2 todobaad ahna fariisin ay u aheyd ciidamada dowladda
agagaarka idaacadda.
19
kii bishii October kooxo aan la aqoonsan wali ayaa waxa ay toogasho
ku dileen Kusimihii guddoomiyaha shabakadda warbaahinta Shabelle,
Bashiir Nuur Geedi.