Last
Updated Sat, Dec. 08 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Waddada
30ka oo dib u howl gashay maanta, ka dib ciidamo Ethiopian ah oo isaga
baxay waddaasi
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 08, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Ciidamadii
Ethiopianka ahaa ee waayahanba ku sugnaa waddada 30ka ayaa gabi
ahaanba isaga baxay saaka waddadaasi, iyadoo islamarkii ay ka baxeen
wadadaasi ay soo buux dhaafiyeen halkaasi boqolaal dadweyne Somali
ah, kuwaas oo soo eeganayaya gurhayooda iyo goobahooda ganacsi,
oo muddo ka badan bil ay tagi waayeen ka dib marki ay waddaasi soo
dageen ciidamada Ethiopia.
Ciidamadan
ayaa dib u gu laabtay xerooyinki ay ku lahaayeen Muqdisho sida Stadium
Muqdisho, warshadii Baastada iyo meelo kale oo ka tirsan Muqdisho.
Waddada
30 ka oo gaadiidka dadweynaha maanta ka shaqeynayay
Wariye
C/risaq Warsame oo wareysanaya mid ka mid ah dad nasiib u helay
in ay maanta deegaanadooda soo eegtaan muddo ka badan 30 maalmood
ka dib
Waddada
Dheer ee warshadaha
Dhufeysyadii
ay ciidamada Ethiopianku ka sameysteen qeybo ka mid ah waddada
30ka
Meelihii
ay ciidamada Ethiopianku daganaayeen oo ay ku qoreen jaceylka
ay u hayaan waddankooda
Gaari
Coastar ah oo maraya waddada 30 ka maanta
Dad
guryahii ay daganaayeen kala soo baxay qeyb ka mid ah alaabo
ay markii hore ka carareen
Haweenay
Somali ah oo eegeysa Bakhaar la jabiyay intii ay ciidamadu deganaayeen
waddada 30ka
Lama
oga sababta ay ciidamada Ethiopianku halkaasi isaga baxeen, waxaana
dadku ay soo dhaweeyeen waddadaasi oo dib u furanta.
Ma
cadda in ciidamadaasi ay halkaa uga baxeen xeelad malateri iyo in
kale.
Gaadiidka
dadweynaha ayaa saaka lagu arkayey kuwaas oo dad u soo daabulaya
deegaanada u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Warshaddii hore ee Caanaha.