Qaraxyadan
ayaa dhacay duhurnimadii maanta ayaa waxaan la ogeyn illaa iyo hadda
qasaaraah ay geysteen hasa yeeshee waxa uu qal qal ku abuuray howshii
ganacsi ee suuqa Bakaaraha qeybo ka mid ah.
Qaraxyadan
oo aan kala fogeyn xilliyadii ay kala dhaceen ayaa waxa ay ahaayeen
kuwo lagu bartilmaameedsanayay ciidamada dowladda Somalia oo ku
sugan suuqaasi waddooyinka laga soo galo, mana cadda qasaarihii
ay dhaliyeen qaraxyadaasi iyo rasaas kadambeysey oo ay ciidamadu
rideen.
Ma
jirto cid ka hadashay qaraxyadan oo ka tirsan maamulka dowladda
Somalia iyo saraakiisha ciidamada toona.