Last
Updated Sat, Dec. 08 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Dagaal
yahano ka soo horjeeda maamulka Hiiraan oo la wareegey gacan ku heynta
Buula Burde
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogdsihu 08, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Dagaalyahano
la aaminsan yahay in ay taageersan yihii maxkamadaha Islaamka ayaa
duhurkii la wareegay gacan ku heynta magaalada Buula Burde ee gobalka
Hiraan, iyadoo maamulkii degmadaasina la tilmaamay in magaalada
isaga baxeen.
Wariyaha
Shabelle ee Hiiraan ayaa ku waramaya sida ay u sheegen dadka deegaanka
in kooxahan dagaalyahanada ah ay ka soo weerareen magaalada 4 jiho,
islamarkaasina uu dagaal muddo aan badnay dhex maray ciidamadii
maamulka degmada iyo kooxahaasi keentay in maamulka farihiisa laga
bixiyo gacan ku heynta degmadaasi.
Inta
la og yahay waxa ku dhaawacmay isk hor imaadkaasi hal ruux oo raayid
ah.
Dagaalyahanadan
ayaa markii ay la wareegeen degmadaasi waxa ay sii daayeen oo xabsigii
irdaha ugu balaqeen maxaabiistii ku jirtay.
Lama
oga meel ay jaan iyo cirib ay dhigeen saraakiishii ciidamada degmadaasi
iyo maamulkoodiiba.
Waayahanba
waxa jiray weeraro ka dhan ahaa maamulka Hiiraan oo ka dhacaayay
Hiiraan.