Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Mon, Dec. 10 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Sarkaal ka tirsan CID-da oo Baydhabo lagu dilay xalay

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Baidoa 10, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista ee CID ayaa xalay Baydhabo lagu dilay ka dib markii ay ka dhacday magaalada is rasaaseyn aan socon wax badan.

Xildhibaan Aadan Kishbur oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobalka Bay ayaa sheegay in xalay xilli uu ku socday waddada Suuqa Xoolaha ee Baydhabo uu la kulmay rasaas kaga soo dhacday dhinaca dambe ee gaarigii uu la socday, iyadoo ciidamadii illaalada u ahaana ay rasaas kale ku jawaabeen.

Rasaastii ay soo rideen kooxihii ka soo hor jeeday ayuu sheegay xildhibaanku in ay dishay xubin ka tirsan waaxyada CID-da oo meesha ka agdhawaa.

Xildhibaanku ayaa sheegay in laf ahaantiisa uu ku jahwareeray in weererka isaga loo la dan lahaa iyo in sidoo kale lala rabay sarkaalka la dilay.

Arrimahaasi ayuu sheegay in uu kala hadlay xildhibaanku taliska nabad galyada Baydhabo oo haddana ay socdaan baaritaano la xiriira arrimahasi.

Baydhabo waxa waayahanba ka dhacayay weeraro lagaga soo hor jeedo dowladda Somalia iyo ciidamada Ethiopia.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


Maryan Saylac

E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul