Last
Updated Mon, Dec. 10 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Gaari
ku rogmaday meel u dhow deegaanka Aadan Yabaal oo dhimasho iyo dhaawac
sababay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Jowhar 10,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Ugu
yaraan inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay tiro ka badana waa
ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay tuulo ka tirsan deegaanka
Aadan Yabaal ee gobalka Shabellaha Dhexe.
Sida
uu soo sheegayo wariyaha Shabelle ee gobalka Shabelaha dhexe, gaarigan
ayaa ka baxay waddada taasi oo keentay in uu rogmado, waxaana ku
dhintay halkaasi hal ruux iyadoo 5 kalena ay ku dhaawacmeen.
Rogmashada
gaariga ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii gaariga uu fariin
gostay, taas oo sababtay in uu gaariga waddada ka baxo deetana uu
rogmado.
Wariyahayaga
ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid deegaanka Aadan Yaabaal isagoo
ku soo jeeday Muqdisho,waxaana uu waday xoolo iyo dad kale.
Sidoo
kale xoolihii uu waday gaariga oo la tilmaamay in uu ahaa kuwa xamuulka
qaada ayay wax yeelo ka soo gaartay xoolahaasi.
Dadka
dhaawacmay ayaa loola soo cararay Muqdisho, iyadoo labo ka mid ah
xaaladdoodana la sheegay in ay tahay mid halis ah.