Last
Updated Mon, Dec. 10 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Ciidamada
Ethiopia oo saaka baaritaano ka sameeyay qeyb ka mid ah degmada Yaaqshiid
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 10,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Howl
gallo baaritaano ah ayay ciidamada Ethiopianku saaka ka sameeyeen
qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobalka banaadir, iyadoo howl
galadaasina uu socday muddo aan badnayn.
Sida
ay sheegayaan dadka deegaanka, ciidamada oo ku hubeysan gawaarida
dagaalka ayaa waxa ay soo galeen inta u dhaxeysa Hotel Towfiiq iyo
isgoyska fagax, halkaas oo baaritaano ay ka sameeyeen.
Lama
oga waxa keenay baaritaankasi ciidamada dowladda Ethiopia ay halkaasi
ka sameeyeen, hasa yeeshee saacado ka dib ayay tilmaameen dadka
deegaanka in ay ciidamadaasi halkaa isaga baxeen.
Lama
sheegin wax hub ama dad ah oo ay howl galada ciidamadaasi ku soo
qab qabteen, mana jirto saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia
oo ka hadlay arrimahaasi.
Degmada Yaaqshiid waxa ay ka mid tahay degmooyinka sida darran ay
ciidamada Ethiopianku kala kulmaan iska hor imaadyada marka loo
eego degmooyinka qaar ee Muqdisho.