Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 10,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Madax
ka tirsan maamulka madaxweynaha Mareykanka George W. Bush ayaa dood
culus ka leh aqooonsi la siiyo Somaliland, xilli maamulkaasi uu
ololeynayo madaxbanaani ay Somaliland ka hesho qeybaha kale ee Somalia.
Doodan ku’aadan suurta galnimada aqoonsi madaxbanaani oo la
siiyo Somaliland ayaa socota, xili madax fara badan oo kongareyska
Mareykanka ka tirsan ay u ololeynayaan madaxbanaani ay Somaliland
ka hesho Somalia inteeda kale.
Wargesyka Washington Post oo soo xigtay sarkaal sare oo diiday in
la magacaabo ayaa sheegay in Pentagon-ku uu aaminsanyahay in madaxbanaani
Mareykanku uu siiyo Somaliland.
Ololaha madaxbanaanida Somaliland ayaa ku soo beegantay kadib, markii
booqasho uu dalka Jabuuti ku tagay xoghayaha gaashaan dhiga mareykanka
Robert Gates oo booqday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka
Jabuuti.
Ololahan Mareykanku uu ku doonayo aqoonsi la siiyo Somaliland ayaa
la tilmaamay
inuu uga gol leeyahay in Mareykanku uu siyaasad gooni ah kafushado
Somaliland taas oo ay ugu weyn tahay arrimo Maleteri, sida uu sheegay
Captain Bob Wright oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka oo
u waramayay Washington Post.
Sarkaalkaasi ayaa intaasi sii raaciyay inay ka sugayaan golaha odayaasha
inay ansixiyaan in Somaliland ay madaxbanaani hesho.
Saraakiil darajo heer dhexe ah oo ka tirsan maamulka Mareykanka
oo dhawaanahan booqday Somaliland ayaa u sheegay Washington Post
inay rajeynayaan inay ku guuleystaan baadi goobka loogu jiro aqoonsiga
Somaliland.
Dhanka kale aqoonsiga Somaliland ayaa laga yaabaa in carqaladi ay
ka soo gasho dhinaca midawga yurub oo illaa haatan la tilmaamay
inuu ka cago jiidayo aqoonsiga Somaliland.
Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo ku taala dhinaca waqooyi galbeed
ee Somalia ayaa iyadu sheegatay sanadkii 1991 inay ka go’een
qeybaha kale ee Somalia markii ay dhexda ka baxday dowladdii dhere
ee Max'ed Siyaad Barre, hayeeshee ma jirto ilaa haatan aqoonsi ay
ka heleen beesha caalamka.