Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Mon, Dec. 10 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Oday dhaqameed ka qeyb galay shirkii Asmara oo laga eryay Kismaayo

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 10, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Go’aan ay maanta si wada jir ah u gaareen odayaasha dhaqanka iyo wax gardka beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismayo ayay kaga musaafuriyeen magaalada Kismaayo Ugaas Max’ed Wali oo ka mid ahaa odayaal dhaqameedyadii ka qeyb galay shirkii Asmara.

Go’aankan looga saaray magaalada Kismaayo Ugaas Max’ed Wali oo sidoo kale ka mid ahaa taageerayaashii Maxaakiimta Islaamka ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay odayaashaani ay sheegeen in aanay doonayn qas iyo fowdo.

Xasan Max’ed Xasan Dheere oo afhayeenka dhaqanka beesha Sade ayaa sheegay in go’aankaasi ay ku muujinayaan sida aanay marnaba ugu qanci Karin in qal qal laga dhex abuuro magaalo xeebeedka Kismaayo.

Ugaas Max’ed Wali oo laf ahaantiisa ka soo jeeda beesha Sade ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo,waxaana uu maanta isaga baxay magaalada sida la tilmaamay.

Mar Shabelle ay Ugaaska la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo go’aankaasi hasa yeeshee waxa uu sheegay in uu ka tagay magaalada islamarkaasina xilligaasi ay Shabelle la hadlaeysay oo abaaro 12 kii duhurnimo ku beegnayd sheegay in uu isaga tagay gobalka gabi ahaanba.

Ugaaska ma aanu sheegin meesha uu ku wajahan yahay.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali



E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul