Last
Updated Tue, Dec.11 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Rabshado
maanta Muqdisho ka dhacay oo sababay dhimashada dad oo askar ay ku
jiraan
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 11,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-3
ruux oo midi uu yahay ciidamada booliska dowladda Somalia ayaa la
sheegay in ay ku dhinteen qarax miino oo xoogan oo saaka ka dhacay
Isgoyska H/wadaag ee Muqdisho, kaas oo lala eegtay ciidamada dowladda
Somalia oo ku sugnaa Isgoyska.
Qaraxa
ka dib ayaa waxa la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada dowladda
Somalia kuwaas oo gabi ahaanba qal qal ku abuuray dadki meesha ka
agdhawaa.
Qaraxa
miinada oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa waxa uu dhacay saaka abaaro
8 dii subaxnimo, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay askari ka
tirsan ciidamada booliska, mid ka mid ah kirishbooyada gawaaridad
dadweynaha oo lacago u geynayay ciidamadii ku sugnaa Isgoyska, iyadoo
rasaastii ay rideen ciidamada qaraxaasi ka dib la sheegay in uu
ku dhintay hal qof oo meesha ka agdhawaa, waxaana sidoo kale qaraxa
ku dhaawacmay askari ciidamada ka tirsan iyo labo ruux oo kale oo
rayid ah.
Qaraxaasi
ayaa waxa uu gabi ahaanba sababay in ay muddo go’naato waddada
H/wadaag ee Muqdisho oo ka mid ah waddooyinka hadda ka shaqeeya
magaalada, iyadoo gabi ahaanba ay xirantay waddada Aadan Cadde ee
aadda Carow Itko.
Dhinaca
kale kooxo hubeysan ayaa ku dilay xaafadda Taleex ee degmada Hodan
askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia sida ay sheegeen dadka
deegaanka.
Kooxaha
dilka geystay oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa baxsaday ka dib dilkaasi.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihi ugu dambeeyay ay ka
dhacayeen agagaarka Isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag iska hor
imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda Somalia iyo kooxaha kacdoonka
ka wada Muqdisho.