Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Wed, Dec.12 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Xaaladda tuulada Xaaji Cali oo ay dagaallo ka dhaceen oo maanta degan

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 12, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Xaaladda tuulada Xaaji Cali oo ka tirsan degmada Cadalle ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa maanta dagan ka dib markii shalay ay ka dhaceen dagaal qaraar oo sababay geerida in ka badan 10 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan.

Guddoomiyaha degmada Cadalle Muxudiin Cali Ciyow ayaa Shabakadda warbaahinta ah ee Shabelle u sheegay in guddi ay u direen deegaankii lagu dagaallamay ay ku guuleysteen in ay xabad joojin dhex dhigaan dhinacyadii dagaallamay.

Guddoomiyihu waxa uu sheegay in ay sidoo kale ay rajo ka qabaan in beelaha walaalaha ah ee wada dega gobalka Shabellaha Dhexe ay wada gaari doonaan heshiisyo dhameystiran maadaama hadda xabad joojin ay ku dhawaaqeen.

Dagaalladii shalay ka dhacay tuulada Xaaji Cali waxa ku dhintay inta la ogyahay 11 ruux waxana ku dhaawacmay tiro kale oo ka badan, iyadoo dagaalkaasina uu salka ku hayay is qab qabsi deegaan iyo aanooyin qabiil.

Dagaalkaasi waxa lagu tirayay mid ka mid ah dagaaladii ugu xumaa ee beello wada daga gobalka uu ku dhex maro halkaasi muddo sanado ah.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul