Last
Updated Wed, Dec.12 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Nin
dablay ah oo rasaas oodda kaga qaaday odayaal ku kulansanaa degmada
Ceel Waaq
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Baardheere 12,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Nin
dablay ah ayaa rasaas oodda kaga qaaday odayaal dhaqameedyo ku kulan
sanaa goob ku taala degmada Ceel Waaq ee gobalka Gedo, halkaas oo
ay ku dhaawacmeen 3 ka mid ah odayaashii kulanka lahaa.
Sida
uu ku waramay Axmed Salixi, wariyaha Shabelle ee Gedo, falkan ayaa
dhacay shalay galinkii dambe, iyadoo ninkii hubeysnaa uu ka baxsaday
goobtii ay wax ka dhaceen,
Dadka
dhaawacmay ayaa waxa ku jira xubin ka tirsan maamulka degmada Ceel
waaq kaas oo la yiraahdo Buulle Xasan Cilmi oo dhaawaciisa uu darran
yahay.
Buulle
ayaa loola cararay cisbitaalka degmada Mandheera si halkaasi loogu
soo daweeyo.
Lama
garanayo waxa keenay in ninkaasi uu rasaaseeyo dadkaasi, hasa yeeshee
odayaasha ayaa sheegay in ay hadda ku raadjoogaan sidii loo soo
qaban lahaa ninka falkaasi geystay oo caddaaladda loo hor keeni
lahaa.