Last
Updated Wed, Dec.12 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Markabkii
Golden Nori oo la sii daayay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Boosaaso 12,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Buracad
badeeddii heystay markabkii Golden Nori ee Japan ayay iska fasaxeen
ka dib markii la tilmaamay in la bixiyay lacago madax furasho ah
oo lagu siidaayay markabka iyo shaqaalihii saarnaa.
Sida
uu soo sheegayo wariyaha Shabelle ee Boosaaso Cabdi qani Xasan Dhegjar,
kooxdani waxa ay xalay sii daayeen markabkaasi, ka dib markii ay
heysteen in ka badan bil.
Markabka oo ku sugnaa xeebaha waqooyi bari ee Somalia, ayaa waxa
dhinacyada ka fadhiyay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin waddamada
Germany iyo Mareykanka, kuwaas oo isku dayayay in ay si qasab ah
markabka ku soo furtaan.
Sii
deynta markabkaasi ayaa waxa ay timid ka dib markii uu wada xaajood
toos ah dhex maray kooxihi markabka heystay iyo ciidamadii mareykanka
ahaa, waxana jira warar aan la xaqiijin oo sheegayay in kooxahaasi
la siiyay lacago madax furasho ah.
Afhayeen
u hadlay kooxda markabka heysatay oo magaciisa ku sheegay Xaaji
Cabdi ayaa isbuucii la soo dhaafay Shabelle u sheegay in markabka
sababta ay u heysteen aheyd iyadoo markabkaasi uu jiiray dooni kalluumeysi
oo iyaga iska lahaa halkaas oo markabkii ku burburiyay doonidii
islamarkaasina ku dilay 3 ka mid ahaa shaqaalihii doonida sida uu
hadalka u dhigay.
Puntland
oo isku dayaysay in ay door ka qaadato sii deynta markabka ayaa
la tilmaamay in maamulkooduba uu ka warhelay kaliya ka dib markabka
oo la sii daayay iyo kooxihii heystay markabka oo isaga tagay halkii
ay ku sugnaayeen ee xeebaha Puntland.