Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 12,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Hal
ruux ayaa dhintay labo kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii kooxo
dablay ah ay xalay ku rasaaseeyeen meel u dhow degmada Sablaale
ee gobalka Shabellaha Hoose gaari dad rakaab ah ay saarnaayeen.
Falkan
oo dhacay xalay abaaro 9 kii fiidnimo ayaa dablayda waxa la tilmaamay
in ay doonayeen in dadkaasi rakaabka ah baartaan hasa yeeshee gaariga
ayaa si xawli ah ku maray halkii ay joogeen dablayda.
Ruuxa
dhintay iyo labada kale ee dhaawacantay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen
rakaabkii saarnaa gaariga.
Wadaha
gaariga oo la yiraahdo Zakariye Nuur Faarax ayaa u sheegay Shabelle
in gaariga uu ka yimid gobalka Jubada Hoose waxana uu ku soo jeeday
Muqdisho.
Inta
badan dadka isaga kal goosha gobalada dalka gaar ahaan koonfurta
Somalia ayaa la kulma kooxo jidgooyo u dhigta dadka islamarkaasina
mararka qaar dadka dhibaateeya.