Last
Updated Wed, Dec.12 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Kolonyo
uu la socday gud. Hiiraan oo Baladweyne lagu weeraray
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Baladweyne 12,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-3
ruux ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo duhurkii maanta ka dhacay
bartamaha magaalada Baladweyne kaas oo lagu weeraray kolonyo gaadiid
oo uu lasocday guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba
Geed.
3da
ruux ee dhaawactay ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah
oo ka ag dhawaa xaafadda H/wadaag ee Baladweyne oo uu qaraxu ka
dhacay, iyadoo ruuxa kalena uu ah kamid ahaa illaalada guddoomiyaha
Hiiraan Daba Geed.
Guddoomiye Daba Geed ayaa ka gaabsaday in uu ka
hadlo weerarkaas, hasa yeeshee waxa durbaba kulan arrimahasi ku
aaddan isugu yimid magaalada Baladweyne, maamulka Hiiran, kan degmada
iyo taliska ciidamada, kaas oo ku saabsan sidii amniga degmada wax
looga qaban lahaa.
Waa
weerarkii labaad ee guddoomiyaha Hiiraan lagu qaado tan iyo markii
mar kale dib loogu soo magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha gobalka
Hiiraan Yuusuf Daba Geed.