Last
Updated Wed, Dec.12 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Dagaal
dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Cadaado
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 12, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Hal
ruux ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday 8 kalena waa ay dhaawacmeen
ka dib dagaal labo maleeshiyo beel ku dhexmaray degmada Cadaado
ee gobalka Gal Gaduud maanta.
Dagaalkan
oo billowday saakay ayaa waxa uu salka ku hayay ka dib markii koox
maleeshiyo ah ay si qasab ah ula baxeen nin ku eedeysanaa in uu
dil geystay, kuwaas oo toogtay markii ay la soo baxeen ka dib.
Dagaalka
oo iskiisa u istaagay duhurkii maanta, ayaa idaacadda Shabelle waxa
u xaqiijiyay wariye la yiraahdo C/laahi faras oo ka howl gala idaacad
ku taala magaalada Cadaado in ruuxa dhintay uu ka mid ahaa maleeshiyadii
dagaalameysay, iyadoo dhaawaca 8 ruux ay 3 ka mid ah yihiin dad
rayid ah, halka inta soo hartayna ay ahaayeen maleeshiyadii dagaalamaysay.
Dagaalka
oo la isku adeegsaday hub culus ayaa waxa uu qal qal ku abuuray
dadka ku dhaqan degmada Cadaado.
Ma
jirto illaa iyo hadda cid is xilqaantay oo u istaagtay in labada
maleeshiyo ay kala dhex galaan.