Last
Updated Wed, Dec.12 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
QM
oo walaac ka muujisay xaaladda Somalia
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 12, Dec.
07 ( Sh.M.Network)-Madaxa
arimaha bini aadanimada Qaramada Midoobe Mrs Louise Arbour ayaa
walaac xoogani ka muujisay xaaladda ka jirta dalka Somalia gaar
ahaan caasimadda Somalia ee Muqdisho.
“Dagaalada dhexmaraya dhinacyada iska soo horjeeda ayaa ku
qasbay kumanaan ruux inay guryahooda ka barakacaan” ayey yiri
Mrs Arbour oo qudbad ka jeedineysay xarunta hay’adda xuquuqda
aadanaha Qaramada Midoobe ee magaalada Geneva.
Waxa aay intasi sii raacisay in xaaladda Somalia ay hadda ka sii
dareyso.
Bilihii lasoo dhaafay ayey xaaladda magaalada Muqdisho u muuqaneysay
mid ka sii dareysay waxayna hay’addu walaac xoogani ka muujisay
dilalka iyo weerarka aan kala sooca lahayn ee ka dhanka ah dadka
rayidka ah ee ku sugan caasimadda dagaaladu ay ragaadiyeen ee Muqdisho.
Mrs Arbour ayaa sheegtay in ay xafiiskeeda uu sii wadi doono kala
shaqeynta QM arrimahaasi.