Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Thur, Dec.13 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
In ku 20 madfac oo lagu weeraray xarumo ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somalida ay Muqdisho ku leeyihiin

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 13, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-In ka badanillaa iyo 16 hoobiye ayaa lagu weeraray maanta abaaro 2dii duhurnimo xerooyinka Guul wadayaasha iyo Gaashaandhiga oo ay degan yihiin ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somali ah.

Madaaficdan oo si darran Muqdisho looga maqlayay maanta ayaa waxa ay ahaayeen kuwo is daba joog ah, waxana lagu weeraray xarumhaasi oo ay dagan yihiin ciidamada Ethiopia iyo kuwa booliska dowladda Somalia.

Ma cadda illaa iyo hadda qasaaraha uu geystay weerarkaasi.

Taliyaha ciidamada xerada Guul wadayaasha oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska dowladda Somalia ayaa gaashaanle C/qaadir Max'ed C/laahi Ina Codweyne oo wax yar ka dib weerarkaasi idaacadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan weeraradaasi hasa yeeshee aan wax dhibaato ah geysan.

Gaashaanle Dhexe Ina Codweye ayaa intaa ku darray in madaafiicdu ay ku dhacday meel banaan ah oo aaney ciidamo ku sugnayn.

Ma jirto wax war ah oo intaa ka badan oo uu bixiyay taliyaha.

Dhinaca kale qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka xero Jarmal ee waddada Warshadaha ee Muqdisho, halkaas oo la sheegay in ay ciidamo lugeynaya oo Ethiopian ah ay soo galeen .

Lama xaqiijin qasaaraha dhabta ah ee uu geystay qaraasi, hasa yeeshee waxa la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo aan la xaqiijin waxa ay yihin.

Weeraradan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maanta la shaaciyay in ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo tababaro ku soo qaatay Ethiopia lagu bedelay fariiisimo ay ciidamada Ethiopianku ka baneeyeen qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul