Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Thur, Dec.13 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Sarkaal ka tirsan nabad sugidda iyo dumaashidiisa oo Baydhabo lagu dilay

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Baidoa 13, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Kooxo hubeysan ayaa xalay fal dil ah ugu geystay magaalada Baydhabo sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugidda qaranka isaga iyo gabar la sheegay in ay aheyd dumaashidiisa.

Ma cadda kooxda dilka geystay, hasa yeeshe markii uu falkani dhacayay ayay labadani ruux waxa ay ka soo dukaameysteen suuqa Baydhabo, iyagoo ku sii jeeday guryahooda oo ku yaallay xaafadda Mursan ee degmada Baydhabo.

Sarkalkan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Jiidday, ayaa meydkiisa in yar yiilay halkii lagu dilay waxana goor dambe meesha soo gaaray ciidamada booliska oo watay dhowr gaari o meydka labada ruux halkaasi ka qaaday.

Ibraahim Xaashi Gaabow oo ah sii hayahaha maamulka gobalka Bay ahna taliyaha qeybta Booliska oo Shabelle ay la xirirtay ayaa ku tilmaamay in falkaasi uu yahay mid laga soo min guuriyay Muqdisho.

Ibraahim Xaashi ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan kooxihii dilka geystay.

Dilka sarkaalkaasi iyo gabadha la sheegay in ay dumaashidiisa aheyd, ka dib waxa magaalada oo dhan lagu soo daadiyay ciidamo boolis ah kuwaas oo dadka ku amrayay in ay xiraan goobahooda ganacsi oo ay xaroodaan.

Maalmahan waxa Baydhabo oo ka mid aheyd magaalooyinka dhinaca nabad galyada dhaanta magaalooyinka kale ee K/Somalia ayaa hadda u muuqaneysa mid faraha ka sii baxeyso.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali

Maryan Saylac

E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul