Last
Updated Thur, Dec.13 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Booliska
Baladweyne oo dad u soo qab qabtay dil dhawaan magaaladaasi ka dhacay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Baladweyne 13,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Ciidamada
booliska ee degmada Baladweyne ayaa sheegay in ay gacanta ku soo
dhigeen dad lagu eedaynayo in ay dil u geysteen mid ka mid ah dhalinyarada
degmada Baladweyne.
Howl
gal ay ciidamada ka sameeyeen shalay galinkii dambe magaalada Baladweyne
ayaa waxa ay ku soo qab qabteen illaa iyo 5 ruux oo midi ay haweenay
tahay, waxaana dadkaasi loo heystaa dil dhawaan magaalada Baladweyne
ay kooxo ugu geysteen wiil dhalin yaro ah.
Dadkani ayaa la dhigay xabsiga iyagoo laga soo qabtay
xaafadda Buunda weyn ee degmada Baladweyne.
Marxuumka dhintay oo u muuqday mid lagu dilay tooray
ayaa la la’aa ku dhawaad 5 cisho, iyadoo maalin ka hor meydkiisa
laga helay tuulada Shabeellow, waxana ka muuqday jir dil xoogan,
iyadoo faraha qaar ee jirkiisana la gooyay.
Taliyaha
ciidamada booliska gobalka Hiiraan Xuseen Shukri Axmed ayaa sheegay
in ay ku socoto eedeysanayaashani baaris si loo ogaado dadkii ka
dambeeyay dilka naxriis darada ah ee loo geystay marxuumkasi ka
mid ahaa dadka ku dhaqan Baladweyne.
Xabsiyada
magaalada Baladweyne ayaa la dhigay muddo bil ah gudahooda in ka
badan 10 ruux oo lagu eedeynayo gacan ku dhiiglanimo, kuwaas oo
aan wali wax maxakamad ah la saarin.