Last
Updated Thur, Dec.13 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Madaafiic
ku dhacayday suuqa Bakaaraha oo dhimasho sababtay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 13,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Ugu
yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen madaafiic ku
soo dhacday suuqa Bakaraha maanta barqadii kuwaas oo aan la ogeyn
halka ay ka yimaadeen, iyadoo dhaawacana uu inta aka badan yahay.
Ku
dhawaad 3 madfac ayaa ku soo dhacday suuqa Bakaaraha kuwaas oo sababay
geerida inta la ogyahay 10 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin haween
waxaana ku dhaawacmay 10 kale sida ay sheegeen wariyayaal Shabelle
ka tirsan goobta tagay, weerarka ka dib.
Madfac
ayaa waxa uu ku dhacay meel dhismo baqaar aheyd oo howl ganacsi
ay ka socotay kaas oo ku yaalla agagaarka Suuqa Badarka, iyadoo
mid kalena la sheegay in uu ku dhacay suuqa sarifyaraha dollarka
ee Bakaaraha.
Dadka
dhintay ayaa waxa ay ahaayeen kuwo hilbahooda go go'ay, taas oo
qal qal ku abuurtay dadkii ku ganacsanaaya suuqa Bakaaraha.