Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Thur, Dec.13 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Midowga Yurub oo bayaan ka soo saaray xaaladda Somalia

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 13, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Ka dib markii ay soo gabogabeeyen kulan ay ku lahaayeen magaalada Brussels ee dalka Belgium midawga yurub ayaa soo saaray qodobo aa uga hadlayaan arimaha dalka Somalia iyo fikirkooda ku aaddan Somalia.

Bayaan ka soo baxay kulankooda 2839 ka dib ayay golaha midowga Yurub ay ugu horeyn ku sheegeen in midawga yurub uu walaac ka muujinayo xaaladda ka jirta dalka Somalia markii ay yeesheen kulankoodii 2839 , iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin xaaladda aay ku sugan yihiin dad fara badan oo Somali ah oo ka bara kacay magalada caasiamda ah ee Muqdisho.

Goluhu waxa uu sidoo kale uu soo dhaweynayaa magacaabidda Ra’isal wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde , iyagoo ku tilmaamay magacaabista Rw cusub inay tahay fursad looga gudbi karo caqabadaha ka jira dalka Somalia.

Goluhu waxa uu ugu baaqayaa ra’isil wasaaraha dowladda KMG inuu isku dayo inuu wada hadal ku dhameeyo dhibaatooyinka ka jira dalka Somalia isla markaan wada hadalka aa ka qeyb galaan dhamaan kooxaha isku haya siyaasadda dalka Somalia.

Goluhu waxa uu ka rajeynayaa dowladda KMG ah iyo ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia inay xaqiijiaan in wado loo helo gargaarka la gaarsiinayo dadka ka cararay magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu sheegay oin goluhu uu ugu baaqayo dowlada kmg ah inay qadariso bini aadanimada.

Goluhu waxa uu ku casuumayaa dhamaan wadamada xubnaha ka ah midawga yurub iyo Somalida ku nool dibadaha inay gacan ka geystaan dadaalada nabadda loogu soo celinayo dalka Somalia.

Goluhu waxa uu taageerayaa ciidamada midawga Afrika ee ku sugan Somalia oo ay u arkaan inay ku haboon yihiin ilaalinta amaanka Somalia, iyagoo ugu baaqaya beesha caalamka inay gacan siiyaan ciidamadaasi si amaanka ay usugaan.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul