Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Thur, Dec.13 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Dagaal qasaare sababay oo ka dhacay Yaaqshiid

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 13, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Dagaal ayaa maanta waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta.

Dagaaladan ayaa waxa uu ka dhacay waddada dheer ee Carafat, halkaas oo la isku adeegsady hub cul culus sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda inta la ogyahay 3 ruux oo rayid ayaa ku dhaawacantay madaaficdii la is weydaarsanayay, iyadoo aan la xaqiijin qasaarihii kale ee soo gaaray dhinacyadii iska hor imaadka u dhexmaray.

Dagaalka ayaa billowday ka dib markii ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ay saaka 10 kii barqanimo ku soo faafeen xaafadaha ku harereysan waddada Coca-Cola iyo Cisbitaalka Carafaat ee Muqdisho, halkaas oo uu dagaalka ku qabsaday.

Dagaalka ayaa la tilmaamay in uu iskiisa u istaagay duhurkii maanta ka dib markii ciidamadii Ethiopianka ahaa ay dib ugu laabteen xerooyinkoodii warshaddii baastada iyo Stadium Muqdisho oo markii hore ay ka soo baxeen.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul