Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Fri, Dec.14 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Gaari uu la socday gaashanle dhexe Bariise oo saaka lagu weeraray Muqdisho

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 14, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Askari ayaa ku dhaawacmay ka dib markii saaka weerar miino lagu qaaday gaarigii uu lahaa taliyaha ciidamada booliska qeybta galbeed gaashaanle dhexe C/laahi Xasan Bariise kaas oo ka dhacay degmada Dharkeynlay ee gobalka Banaadir.

Weerarkan oo dhacay abaaro 9kii subaxnimo iyo qadar daqiiqado ah ayaa waxa lala eeganayay sida muuqatay gaari uu watay taliyaha ciidamada booliska qeybta galbeed gaashaanle Bariise, iyadoo qaraxaasina si xoogan magaalada looga maqlay.

Bariise oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa sheegay in askari uu kaga dhaawacmay weerarkaasi islamarkaasina uu bur bur soo gaaray gaarigii uu lahaa taliyaha.

Gaashaanle dhexe Bariise waxa uu intaa ku darray in ay soo qabteen ruuxii miinada dhulka ku aasay,islamarkaasina dhawaan sharciga ay hor geyn doonaan.

Waxaa uu sheegay taliyaha in ay hadda wadaan baaritaano ku aaddan weerarkaasi.

Waa weerarkii 3 oo muddo 30 maalmood gudahooda lagu qaado taliyahaasi, iyadoo muddo labo jeer oo hore taliyaha gaarigiisa sidan oo kale loo weeraray.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul