Last
Updated Fri, Dec.14 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Madaafic
ku dhacaysa saaka qeybo ka mid ah Muqdisho
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 14,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Dhawaqa
madaafiic xoogan ayaa saaka laga maqlayaa xaafado ka tirsan degmooyinka
Yaaqshiid iyo Dayniile ee gobalka Banaadir, taas oo ku abuurtay
dad hor leh in ay ka barakacaan deegaanadooda.
Madaafiicdan
ayaa waxa ay ku dhacday xaafadaha Gubta, Tawakal iyo meelo kale
oo ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile.
Dadka deegaanka Gubta oo saaka Shabelle ay la xiriirtay
ayaa sheegay in deegaankaasi ay ku soo dhacayaan madaafiic xoogan,
iyadoo tan iyo saaka waaberigii ay deegaankaasi ku soo dhaceen 5
madfac oo laakiin wax dhibaato ah dadka u geysan inta la ogyahay.
Arrintani ayaa cabsi xoogan ka muujiyay dadka deegaanka
Gubta, iyadoo madaaficda ku dhacaysa xaafaddaasi laga maqlayo xaafadaha
kale ee Muqdisho.
Dadkii ku harsanaa xaafadda Gubta ayaa billaabay
in ay saaka ka sii barakacaan xaafadahooda.
Dhanka kale ciidamo Ethiopian ah oo shalay dagaallo
ku qabsaday dhabaha dheer ee warshadaha ayaa saaka billaabay inay
rasaas dhinacyada u ridaaan, xilli dadka deegaanka ay sheegeen in
ay san jirin wax iska hor imaad ah oo dhexmaraya ciidamadaasi iyo
kooxaha ka soo hor jeeda.
Dhawaqa
qoryaha lidka diyaaradaha ayaa laga maqlayaa xaafadaha Coca cola
iyo Carafaat oo ay ciidamada Ethiopianku joogaan.