Last
Updated Fri, Dec.14 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Gud.
ganacsatada Bakaaraha oo ka hadlay madaafiicdii shalay lagu weerara
suuqaasi
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 14,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha
ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali Max’ed Siyaad Cali Dheere
ayaa sheegay in ay wax weyn u dhimeyso habsami u socodka howlaha
ganacsi ee suuqa Bakaaraha madaafiicdii shalay lala dhacay suuqa
Bakaaraha taas oo sababatay geerida dad aad u fara badan oo rayid
ahaa.
Cali Dheere oo xalay Shabelle la hadlay ayaa sheegay
in dadkii ku dhintay madaafiicdaasi shalay lala dhacay suuqa ay
keentay geerida illaa iyo 20 ruux ayna ku dhaawacmeen in ka badan
50 kale.
Guddoomiye
Cali Dheere ayaa sheegay in ay madaafiicdaani uga dhacday suuqa
qeybo kala duwan xilli mashquul aad u weyn laga dareemayay suuqa
maadaama ay soo dhawdahay maalinta ciiddul Adhxa oo dadku ay isku
diyaarinayeen.
Ma jirto illaa iyo hadda cid uu ku eedeeyay guddoomiyaha
in ay ka dambeyso weerarkaasi lagu qaaday suuqa Bakaaraha Shalay.
Ma
ahan markii ugu horeysey ay madaafiic ku dhacdo suuqaasi, hasa yeeshee
tii shalay ayaa lagu tilmaamay in ay ka mid tahay masiibooyinkii
ugu xumaa ee suuqaasi soo marta abid.