Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Fri, Dec.14 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Caruur barakac ah oo nafaqo darri ugu geeriyootay Baladweyne

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Balad weyn 14, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Seddex caruur ah ayaa nafaqo darri ugu geeriyootay xero dadka soo barakacay ay dagan yihiin ee magaalada Baladweyne.

Xerooyinka Nasiib iyo Duban Subagle e duleedka magaalada Baladweyne oo ay ku jiraan dad ka soo barakacay meelo kala duwan ayaa waxa ku geeriyooday 24 kii saac ee la soo dhaafay illaa iyo seddex caruur ah.

Sida ay warbaahinta u sheegtay Magaalo Max’ed Xuseen Magaalo Duuray oo ah hor joogaha xerooyinkaasi, caruurtani ayaa u dhimatay nafaqo darro iyo macluul kale.

Xerooyinkan ayaa waxa ku jira illaa iyo 1,200 oo qoys kuwaas oo ka soo barakacay gobalada Bay, Bakool, deegaanada Ismaamulka Somalida ee Ethiopia iyo Muqdisho.

Qoysaskan ayaa hadda ka cabanaya dhibaatooyin ay ugu weyn tahay cudurada Shuban biyoodka iyo duumada oo aaney jirin cid wax u qabaneysa.

Waxa ay hay’adaha gar gaarka ka dalbadeen in lala soo gaaro gar gaar bini aadanimo si wax looga qabto nolosha caruur iyo dad kaloo waayeello ah oo u baahan xanaaneyn gaar ah.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


Cumar Kiyow


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul