Last
Updated Fri, Dec.14 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Sarkaal
ka tirsan ciidamada DS oo Buula Xuubay lagu dilay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mugadishu 14,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Kooxo
dabley ah ayaa toogasho ku dilay nin la tilmaamay in uu ka tirsanaa
saraakiisha ciidamada dowladda Somalia xilli uu maanta marayay xaafadda
Buula Xuubay ee Muqdisho.
Labo
ruux oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa ku toogtay marxuumkan oo magaciisa
lagu soo koobay Shariifka kaas oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada
dowladda Somalia gaar ahaan kuwa fariisinka ku leh deegaanka Villa
Baydhaba ee xaafadda Buula Xuubay ee Magaalada Muqdisho.
Meydka
marxuumla la dilay ayaa la dhigay Masjid ku yaala xaafadda Buula
Xuubay, waxana daqiiqado ka dib markii la dilay ninkaasi ay dadka
deegaanka sheegeen in goobta ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda
Somalia kuwaas oo rasaas dadka ku kala eryay islamarkaasina hore
u qaatay meydka ruuxii la dilay.
Xaafadda Buula Xuubay ayaa la sheegay in mar qura uu istaagay ganacsigii
iyo isku socodkii dadweynaha.
Kooxihii
dilka geystay ayaa la xaqiijiyay in ay goobta ka baxsadeen, ka dib
markii ay dilkaani fuliyey.