Last
Updated Sati, Dec.15 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Iska
hor imaad saaka Bakaaraha ka dhacay oo dhimasho sababay
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mugadishu 15,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Labo
ruux oo rayid ah ayaa dhimatay mid kalena waa uu dhaawacmay ka dib
markii saaka waaberigii uu iska hor imaad ku dhex maray suuqa Bakaaraha
ciidamada dowladda Somalia iyo kooxaha wax iska caabinta Muqdisho.
Iska
hor imaadka ayaa waxa uu yimid ka dib markii ciidamada dowladda
Somalia ay waaberigii ku soo dheel madeen qeybo ka mid ah gudaha
suuqa Bakaaraha, iyadoo daqiiqado ka dib markii ay hore u galeen
suuqa uu iska hor imaadkaasi dhacay.
Iska
hor imaadka oo dhacay 7dii subaxnimo ayaanan la sheegin qasaaraha
soo kala gaaray dhinacyadii uu iska hor imaadku dhex maray.
Isku
dhacyadan daqiiqadaha socday ayaa is taagay ka dib markii ciidamada
dowladda Somalia ay dib ugu laabteen fariisimahoodii isgoysyada
Aadan Cadde iyo H/wadaag, iyadoo muddadii uu iska hor imaadka socdayna
la maqlayay qaraxa bambaanooyinka iyo dhawaqa rasaasta hubka gacmaha
lagu qaato.
Isku
socodkii gaadiidka dadweynaha oo saaka mar hakad ku yimid ayaa dib
u furmay goor dambe waxaan dib u billaabmay ganacsigii.