Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Sati, Dec.15 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid oo degan saaka

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mugadishu 15, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Xaafadda Jungle iyo qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid oo maalmahan ay ka dhacayeen iska hor imaadyo ayaa degan saaka, iyadoo dadkii ku xanibnaa qaarkood deegaanadaasi ay isku dayayaan in ay meesha isaga baxaan.

Ma jirto illaa iyo hadda wax iska hor imaad ah oo deegaanadaasi ka dhacaya, iyadoo ciidamada Ethiopianku ay gabi ahaanba diideen in gaadiidka uu isticmaalo waddada dheer ee warshadaha oo shalayna ay dad rayid ah ku rasaaseeyeen ciidamadaasi.

Dadka deegaanka qaar ayaa ka cabsi qaba haddii ay dibadda u soo baxaan in ay ciidamadaasi wax yeeleeyaan iyadoo shalay ay ciidamadu dileen dhowr dad ah oo doonayay in ay deegaanadaasi ka baxsadaan, kuwaas oo ay ku jiraan hooyo iyo wiil ay dhashay.

Xaafadda Jungle ee degmada Yaaqshiid iyo qeybo kale oo ka tirsan degmadaasi ayaa waxa ka dhacayay labadii maalin ee la soo dhaafay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Ethipia iyo kooxaha wax iska caabinta, iyadoo xaafadaahasi qaar laga helay meydad dhowr ah oo la tilmaamay in ay ciidamada Ethiopian ku toogteen.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul