Last
Updated Sati, Dec.15 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Ethiopia
oo sheegatay in ay dileen dagaal yahanada ka soo hor jeeda ee Muqdisho
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 15,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Wasaaradda
warfaafinta ee dalka Ethiopia ayaa sheegatay in ciidamadeeda iyo
ciidamada dowladda KMG ah oo iskaashanaya ay dileen illaa 75 ka
tirsan kooxaha ka dagaalama magaalada Muqdisho.
Waxa aay wasaaaradu sheegtay in kooxaha ay sheegeen in ay dileen
ay kusugnayeen waqooyi bari ee Muqdisho isla markaana ay ka tirsanaayeen
ururka Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.
Warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Ethiopia
ayaa lagu sheegay in kadib dagaal kooxahaasi ay la galeen u suura
gashay ciidamadooda inay dilaan 75 ka tirsan kooxaha Muqdisho kacdoonka
ka wada isla markaana ay qabteen afar kale.
Hadalka dowladda Ethiopia ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Ethiopia
ee ku sugan magaaada Muqdisho lagu eedeeeyay inay ka dambeeyeen
madaafiicdii lagu garaacay suuqa Bakaaraha taasi oo ay kugeeriyoodeen
in kabadan 17 ruux halka dhaawacuna uu sii dhaafay ilaa 40 ruux
iyo sidoo kale in ay si ula kac ah u dileen dad rayid ah oo ku sugnaa
goobihii ay dagaalada ka dhaceen.