Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Sati, Dec.15 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Ethiopia oo beenisay in ay duqeysay suuqa Bakaaraha

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 15, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Dowladda Ethiopia ayaa waxa aan waxba ka jirin ka soo qaadday weerarkii dhawaan lagu qaaday suuqa Bakaaraha oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan oo Somalia ah kuwaas oo ganacsi ku lahaa suuqaasi.

La taliyaha ra’isul, wasaaraha dalka Ethiopia Berakat Simon ayaa sheegay in ciidamdada Ethiopia ee ku sugan Somalia aysan ka dambeynin weerarkii madaafiic ee suuqa Bakaaraha lagu qaaday maalin ka hor ee ay dad fara badani ku geeriyoodeen.

Waxa uu ku edeeyay kooxaha kasoo horjeeda ciidamada Ethiopia inay ka dambeeyaan weerarkaasi oo ay ku geeriyoodeen illaa 17 ruux halka ay ku dhaawacmeen 40 ruux oo dhamaantooda ahaa dad suuqa ka dukaameysanayay.

Waxa uu Simon sidoo kale sheegay in ciidamada Ethiopia aysan jirin sababo aay ku bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah.

Hore ayaa waxa guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee Hawiye Max'ed Xasan Xaad u sheegay warbaahinta in ciidamada Ethiopianku ku hanjabeen in ay weerari doonaan suuqa Bakaaraha oo ay duqeyn doonaan.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul