Last
Updated Sati, Dec.15 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
Rasaas
ay riden ciidamada DS oo dadi ay ku dhinteen ka dib markii la weeraray
Click
here to find news in English Shabelle airs news in English
Mogadishu 15,
Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Labo
ruux oo rayid ah ayaa dhimatay tiro intaa la egna waa ay dhaawacmeen
ka dib markii barqadii maanta ciidamo ka tirsan dowladda Somalia
lagu weeraray bam gacmeed agagaarka isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho.
Weerarka oo ka dhacay dalcadda dheer ee dharka Hudheyda
lagu gado ee gasha wadda Bacadlaha, ayaa waxa ciidamo halkaasi marayay
lala eegtay bam nuuca gacanta laga tuuro ah sida ay sheegeen dad
meesha ganacsi ku lahaa.
Ma cadda qasaaraha uu bamkasi geystay hasa yeeshee
rasaas xoogan oo ay ciidamadu rideen ayaa waxa ku dhintay 2 ruux
oo rayid ah waxana ku dhaawacmay labo kale oo midi ay haweenay aheyd.
Xaaladda qeybtaasi suuqa Bakaaraha ayaa kacsanayed
muddo kooban iyadoo markii dambena ay ciidamadii isaga tageen goobta
uu caadi ku soo laabtay jawiga.
Saaka waaberigii ayay aheyd ka dib marki ciidamo
soo galay suuqa Bakaaraha ay iska hor imaadyo kala kulmeen kooxaha
wax iska caabinta iyadoo meeshana ay ku dhinteen labo ruux iyo dhaawaca
qof kale oo dhamaantooda ahaa rayid.