Shabelle Media Network In Partner With Europian Union
 
Last Updated Sun, Dec.16 2007 08:00 am-Mogadishu Somalia
DBG oo Iskuulo iyo deeqo kale ugu deeqday dad ka barakacay Muqdishu

Click here to find news in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 16, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Hay’adda Daryeel Bulsho Guud DBG ayaa dugsiyo ka dhistay islamarkaana deeqo kala duwan gaarsiisay deegaano iyo tuulooyin ka kala tirsan gobalada Shabellaha Dhexe iyo Shabelleha Hoose.

Hay’addan DBG waxa ay dhawaantan soo gabo gabeysay dhismaha labo iskuul oo ay ka kala dhistay deegaanada Carbiska iyo Ceelasha Biyaha ee degmada Afgoye kuwaas oo ay hay’addu ugu tala gashay in ay ka faa’ideystaan ardeyda ka barakacday xaafadaha Muqdisho ee wax barashadooda waayay.

Cabdi Xasan Xaamud oo ka mid ah howl wadeenada DBG ayaa Shabelle u sheegay in dhismaha dugisyadan wax barasho ay qeyb ka tahay qorshe ay hay’addu ku dooneyso in ay wax kaga qabato wax barasho la’aanta soo food saartay ardayda ay wax barashadooda saameynta ku yeelatay iska hor imaadyada Muqdisho.

Waxa kale oo uu howl wadeenkani tilmaamay in deegaano iyo tuulooyin ku yaall gobalada Shabellaha dhexe iyo Shabellaha Hoose ay hay’addu gaarsiisay raashiin isugu jira bariis, digir iyo saliid, iyadoo ay intaa u dheereyd bacaha roobka celiya iyo maro kaneecooyin.

Hay’adda DBG oo astaanteeda lagu arko goballo iyo tuulooyin badan oo dalka ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay laba laabtay gacantii ay ufudin jirtay dad tabaaleysan si ay uga jawaabto qeybo ka mid ah baahida ay qabaan.

Click here to find news in English

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka


Shabelle Media Network Somali


E-mail us:
info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net


 

 

Shabelle news in Engli
Somalis Hope An All-inclusive Reconciliation To Conduce To Power-sharing Deal 28-june-07
Somalia IDPs Lose Hope of Life 28-june-07
Listen shabelle intervew with US Envoy to Somalia. 08,Nov,07
SOMALIA: SHABELLE CELEBRATES ITS FIFTH ANNIVERSARY06,May,07
Somali troops accused of looting and carjacking 01,May,07

 
 
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul