Franco oland: ” Golaha ammaanku ha Fasaxo inaan baabi’ino Kooxaha dadka soo Tahriibiya”

0

Franco Oland Madaxweynaha waddana Faransiiska ayaa war maanta uu soo saaray ku sheegay in dalab ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay kaas oo ku aadan in la ogolaado dagaal ka dhan Kooxaha iyo Doonyaha dadka soo Tahriibiya.

Mr Oland ayaa ku nuuxnuuxsaday in aan laga mira dhalin Karin inta qaramada Midoobay aysan siineyn wax go’aan ah oo horay loogu dhaqaaqayo wax ka qabashada arrintaan gaar ahaan Golaha ammaanka.

Madaxweynaha Faransiiska oo ku sugan dalka Armenia ayaa arrintaan kala fariisan doona dhigiisa Russia si loo xoojiyo dalabkiisa.

Ururka Midowga Europe oo shalay kulmay ay ku tal bixiyay in ka hortagga Tahriibka loo wada guntado dadaallo ka sii badan intii horana loo baahan yahay.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo