DF oo sheegtay in wadahadallo weli ay u socdaan Ahlusunna Waljamaaca

0

Cadaado ( Sh.M.Network)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada dhexe.

Mr Odawaa ayaa rajo fiican ka muujiyay wadahadallada uu sheegay in ay socdaan dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca waxaana uu niyad sami ka muujiyay in Ahlusunna ay ku soo biirto Maamulka Gobollada dhexe ee Galmudug.

“ Go’aankii dowladda ee sameynta Maamulka Gobollada dhexe waxa uu ahaa inaan cidna laga tagin sida xadiiskii nabiga uu ahaa marka laga soo tago ee ahaa qofkii iska diida mooyee” ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa imaanaya xilli Culumaa’udiinka ahlusunna waljamaaca ay haatan gogol dhigeen shir ay sheegeen in Maamul ay ugu dhisayeen Gobollada dhexe taas oo ay ka fidiyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo