Kooxo lagu tuhmayo  dhaq dhaqaaqa Soomaaliya oo xubin ka tirsan Maamulka Magalada Wajeer ku dilay dalka kenya

0

Wajeer ( Sh.M.Network)-Kooxo hubeysan oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Soomaaliya  ayaa xalay fiidkii magaalada Wajeer ku dilay sarkaal ka tirsanaa Masuuliyiinta deegaanka ee wakiillada ka ah maamulka Magaalada wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Barre cabdlla toogasho lagu dilay xili uu kasoo baxay salaadii taraawiixda ee xalay.

“ waxaan aaminsanahy in masuulkaan ay dileen kooxo ka tirsan dhaq dhaqaqa Soomaaliya ka dagaalama ee weerarada ka fuliya gudaha Kenya” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay masuul ka tirsan maamulka Magaalada wajeer ee dalka Kenya.

Laamaha ammaanka wajeer ayaa haatan wada baaritaanada ku aadan dhacdadaan, waxaana uu falkaan kusoo aadayaa xili haatan dib u eegis lagu sameynayo bandow saaran gobolka waqooyi bari, bisha Ramadan awgeed.

Dowladda Kenya ayaa waxaa dalkeeda ka dhacay weeraro kala duwan tan iyo markii ciidamadeeda ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011 si ay tageero u siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo