Marka (Sh M Network)—Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh.Hoose oo la hdlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kaalin mugleh ku leeyihiin dhibaatooyinka ku soo laab laabta Gobolkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sh. Hoose, Mr. Cabdifataax Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Dowladda ay faarujiyeen Degaano muhiim u ah Gobolka isagoona qeexay in Ciidamada ay heysto dhibaato dhanka agabka.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM markii ay la wareegeen Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose in aysan haleyn Ciidamo kale oo halkaasi sii haya.

Guddoomiye Xaaji ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga qeyb qaato sugida amaanka Gobolka Sh.Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Gobolka Sh.Hoose waxaa ka dhacay falal u badnaa Weeraro iyo Qaraxyo halkaasi lagula eeganayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here