Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo digniin u jeedisay dhaqaatiirta ku sugan deegaanada maamulkaas

0

Garoowe ( Sh.M.Network)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Saciid oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa waxa uu soo saaray wareegto ku socota  dhaqaatiirta Caafimaadka ee ka kala howl gala xarumaha Caafimaad ee danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay deegaanada Puntland kuwaas oo wax ku soo bartay dalka dibaddiisa.

Dr Cabdinaasir ayaa tilmaamay in dhaqaatiirtaan looga baahan yahay howlahooda Caafimaad ay geeyaan deegaanada fog fog ee maamulkaas Puntland , haddii aysan ka shaqeyn Karin meelaha baahiyaha Caafimaad ay ka taagan yihiinna , aanu Puntland siin  doonin Ruqsad ay kaga howl galaan deegaanada maamulka Puntland.

Hadalka Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa imaanaya  kadib markii dhaqaatiirta iyo Howlwadeenada Caafimaadka ka howl gala deegaanada Puntland ay diideen in ay adeegyada Caafimaadka gaarsiiyaan meelo kala duwan oo ay ka jiraan caafimaad darro, iyadoona dhaqaatiirtu diidmadooda ay u cuskadeen sababo ammaankooda ku aadan.

 

 

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo