Wasiirka Ganacsiga Galmudug oo beeniyay Eedeymo loogu jeediyay in uu ka tirsanaan jiray Al Shabaab

0

Caabudwaaq ( Sh.M.Network)-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymop ay u jeediyeen Maamulka Gobollada dhexe oo ku aadan in uu ka tirsanaan jiray dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Cabdilladiif ayaa ku nuux nuuxsaday in been abuur ay tahay  wararkaasi islamarkaana uu yahay nic Muctaraf ah ee dadka  dega Gobollada dhexe ay wax ka yaqaanaan Taariikh Nololeedkiisa.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Wasiirku xaaladda Magaalada Caabudwaaq ee dhawaan Ciidamada Maamulka Galmudug la wareegeen ayuu sheegay in haatan Magaalada ammaankeeda ay ku wareejiyeen Ciidamo Boliis ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada Dhexe Xasan Gaboobe oo u warramayay Radio Shabelle ayaa ku eedeeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha in uu horay uga soo bar bar dagaalamay Kooxaha ONLF , Al Itixaad iyo Al Shabaab intaba.

Si kastaba Wasiirka Ganacsiga Galmudug ayaa ahaa xuduntii uu ka alowsamay dagaal dhawaan ka dhacay Degmada Caabudwaaq kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobollada dhexe ay ku weerareen degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo