50 Arday oo ka qalin Jabisay kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Saba+Sawirro

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad weyn oo ay ku qalin Jabinayeen illaa 50 Arday oo kulliyada Caafimaadka ka dhameysatay Jaamacadda Saba ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka iyo kuwa kale oo aad loogu yaqaanno arrimaha Waxbarashada dalka.

Ugu horreyn waxaa Munaasabadda Khudbad ka jeediyay Prof Xuseen Tooxow Faarax oo kula dar daarmay Ardayda dhameysatay Jaamacadd Saba in meesha ay ka sii wadaan dadaalkooda isagoo tilmaamay in ay qalin bedesheen ayna sii dhameystirtaan Waxbaarshada  heerarkeeda kale.

Dhinaciisa Guddoomiyaha Jaamacadda Saba Cabdiqaadir Ciise Max’ud ayaa waxa uu tilmaamay in ay waqti badan geliyeen ardayda maanta qalin jabisay wuxuuna tilmaamay in ay ku abaabiyeen in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda tacliineed ayna ka rajeynayaan in waxbadan ay ku soo kordhin doonaan dalka sida uu yiri.

Jaamacadda Saba ayaa lagu tiriyaa Jaamacadaha ugu tayada fiican ardaydooda marka loo eego Jaamacadaha dalka iyadoo ardayda ka qalin jabisayna lagu arko Goobaha kala duwan ee shaqooyinka haba ugu badnaadaan xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka.

DSC_0227 DSC_0058 DSC_0059 DSC_0060 DSC_0067 DSC_0071 DSC_0072 DSC_0073  DSC_0075 DSC_0076 DSC_0083 DSC_0111 DSC_0114 DSC_0123 DSC_0130 DSC_0135 DSC_0143 DSC_0153 DSC_0163 DSC_0173 DSC_0202

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo