Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay Odayaasha K.Galbeed qancinta dadka cabanaya

1

Baydhabo ( Sh.M.Network)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed waxa uu ka dalbaday in ay xalliyaan dadka wax ka tabanaya maamulkaasi ama Saluugsan qaabka ay u socoto soo xulista Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu qeexay in aysan dadka ka dhamaaneynin tabashooyin laakiin lagama maarmaan ay tahay sida uu yiri in Odayaasha dhaqanka ay xaqiijiyaan illaa xad qancinta dadka ay ka soo yeereyso cabashooyinka la xiriira soo xulista Baarlamaanka maamulkaasi.

Geesta kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku taliyay in Odayaasha dhaqanka maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan kuwa u xil saaran soo xulista xubnaha Baarlamaanka in ay soo dadajiyaan howsha loo igmaday maadaama sida Madaxweynuhu uu xusay waqtigu uu marayo heer gabo gabo ah, maamulka Koofur Galbeedna looga fadhiyo in ay si dhaqso ah ugu dhawaaqaan Baarlamaan ay yeeshaan.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli shalay uu gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed halkaas oo uu kulamo kula qaatay Masuuliyiinta maamulkaas iyo Odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

 

 

La wadaag

1 COMMENT

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo