Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xaawo Xasan Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo la hadashay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay taasoo lagu xusay in Soomaaliya laga cirib tiray Cudurka Polio ama dabeysa.

Wasiir Xaawo ayaa waxa ay hoosta ka xariiqday in 2014 bishii August ay Wasaaraddu xaqiijisay in Cudurka dabeysha laga baabi’iyay dalka Soomaaliya iyadoo intaas ku dartay in deegaanada Al Shabaab ay ka arriminayeen o aanu u suura gelin Wasaaradda in ay gaarsiiyeen Ololaha cirib tirka dabeysha ay kala dagaalameen banaanada deegaanadaasi.

Geesta kale Xaawo Xasan Wasiirka Caafimaadka ayaa qeexday in sanadkaan gudihiisa ay Wasaaradeedu qorsheyneys cirib tirka Cudurrada Jadeecada iyo Mallaariyada .

Walow Wasiirka ay walaac ka muujisay baqdin laga qabo fatahaadaha Wabiyada ay sameeyaan in ay ka dhashaan Cudurka Mallaariyada balse waxa ay carabka ku adkeysay in dadaal xoogan lagu bixin doono sidii looga hortagi lahaa islamarkaana looga suulinayo dalka.

Hadalka Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya  kadib warbixin Qaramada Midoobay  ay soo saartay oo lagu xusay in dalka Soomaaliya laga cirib tiray cudurka loo yaqaan Dabeysha.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here