Axmed Madoobe oo beeniyay inay Ciidanka Kenya ku lug leeyihiin Ka Ganacsiga Sonkorta & Dhuxusha

1

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairibi ayaa difaacay Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin ka Ganacsiga Sonkorta.

Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay Ciidanka Kenya kuwa Xirfad yaqaan ah, oo aan kuu jirin ka ganacsiga sharci darrada ah Sonkorta & Dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Mamaulka Jubbaland.

Wuxuu ku tilmaamay eedaynta loo soo jeediyay Ciidanka Kenya mid lagu dhaawacayo Sumcadda Maamulkiisa Jubbaland & Howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Joogista Ciidanka Kenya Somalia, gaar ahaan Jubbooyinka tan iyo 2011 waxay horseeday nabad iyo xasilooni ay maanta ku naaloonayaan Shacabka Jubbaland, ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan Maamulkiisa ka warhaynin Wararka sheegaya in Ciidanka Kenya ay tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi & Jirdil ka geesteen Deegaanada Jubbaland.

Si kastaba, Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli Warbixin ay soo saareen Koox Wariyaal ah oo kuu sugan Nairobi Khamiistii ku sheegeen in Ciidanka Kenya ay Lacag gaaraya 400 oo Milyan oo Doolar inay ka helaan dhoofinta Sonkorta iyo Dhuxusha.

Goobaha Sonkorta laga Dhoofiyo waxay kala yihiin Kismaayo, Dhoobley, oo ay maamulaan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya, waxaana ay ka qaataan Loorkii Sonkor ah $2, waxaana ay Lacagta kasoo gasha canshuurahaasi ay gaaraan 250,000 USD Todobaad kasta, una dhiganta 13 Milyan oo Doolaar sanadkii.

La wadaag

1 COMMENT

  1. (((((KENYA)))))
    Sdex nin oo saaxiibaa baa meel kuwada noolaan jiray , sadexda nin kan koobaad waa dhaga la’aa midka labaadna waa indha la’aa kan sadexaadna waxuu ahaa curyaan aan caga lahayn maalin maalmaha kamida oo waqtiguna colaad ahaa ayaa kii dhagaha la’aa baa yiri col shanqartii baan maqlayaa kii indhaha la’aabaa yiri waa runtaa oo waan u jeedaa kii sadexaad ee curyaankaahaa baa yiri war aan orodno.
    waxaa hadaba lamida maanta nimanka siyaasiinta soomaalida kuwaasoo gabay masiirkii dalka hooyo ee soomaaliya kuwaasoo u sacaba tumaya in aay abuuraan colaad iyo is nacayb u dhaxaysa dawladda kenya oo ah dal dhisan xag ciidan iyo dhaqaale iwm iyo soomaaliya oo qarannimadeedii dahabigaahayd god dheer oo sida looga soo’saara adagtahay ay ku tuureen 25 sano ka hor dadkeedii soomaaliyeed kuwaasoo aan ka fakarin waxa ka dambayndoona .
    hadaba dadka u ololeeynaya colaada dawladda kenya iyo soomaaliya oo dhulka taa soomaahan sheekada sadexdaas nin oo kale oo nin walba waxuusan awoodin sheegtay.
    maxaa u dannah shacabka soomaaliyeed ee walaalahaa?????
    1-waxaa xalku ku jiraa in la’tixgaliyo darisnimada iyo afrikaanimada walaalaysiga xag siyaasadeed iyo ganacsi iyo iskaashi dhankasta leh .
    2-in dadka soomaaliyeed iyo dawladda taagta daran intaba waxii khaldan ee ka dhaxeeya kenya in si hoose loowada hadlo ayadoon saxaafadda latagin oo gar iyo gardaraba markasta dhanka wadahadalka lagu xaliyo labada daladoodna shaqada loodaayo .
    3-waa in dadka soomaaliyeed ay eegaan axsaanka wanaagsan ee dawladda kenya u samaysay qoxootiga gaaraya illaa labada milyan wax ku dhow kuwaasoo ku leh deegaan waqti aad iyo aad u dheer kuwaasoo qayba kamid u taalo hanti xoog badan iyo waxbarasho .sidaas darteed waa in dadka soomaaliyeed siyaasiintooda qayb kamida ay la yimaadaan caqli saliima oo ay joojiyaan dacaayadda iyo colaad kicinta u dhaxaysa soomaalida dhulka jiifta iyo kenya.
    4-siyaasiinta iyo qabo bulshada kamida ee wada colaada kenya iyo itoobiya waa kuwo lajira ururka nabaddiidkaa ee shabaab .runtiina arintaasu waxay u tahay farxad iyo guul ururka mashruuca cirib tirka soomaaliyeed ee UGUS .sidaas darteed waa inaan lafishilin dagaalka lagula jiro ururka nabad iyo nolol diidkaa ee shabaab .
    5-mar labaad iyo sadexaad waxaan ka codsanyaa shacabka soomaaliyeed in ay ogaadaan soomaaliya waxay mar labaad ay cagaheeda ku istaagi kartaa dawladnimadeedii iyo sharafteedii in nabad ay ka dhacdo geeska afrika ee walaalahaa. soomaaliya waxay u baahantahay maanta gacan qabasho meesha uugu sokeysa na waa kenya iyo itoobiya oo bog fiican iyo taariikh wanaagsan ee cusub wada yeesha sadexdaas waddan ee soomaaliya iyo itoobiya iyo kenya .hadaba waxaa wanaagsan in dawladda soomaaliya ay geed dheer iyo mid gaaban u fuusha waxa maslaxadda shacabka soomaaliyeed lagu gaari karo oo ah qarannimo iyo nabad geeska afirika ka dhalata.wbt

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo