Kenya oo beenisay in Ciidankeeda ay ku lug leeyihiin ka Ganacsiga Sonkorta & Dhuxusha Somalia

1

Dowladda Kenya ayaa beenisay in Ciidankeeda Difaaca ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ay ku lug leeyihiin ka Ganacsiga Sonkorta & Dhuxusha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya Colonel David Obonyo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warbixin ay soo saareen Koox Wariyeyaal ah oo fadhigooda uu yahay Magaalada Nairobi, taasi oo lagu sheegay in Ciidamada Kenya ay lacag badan ka helaan Sonkorta si sharcidaro ah loogu dhoofiyo dalkaasi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay ka heleen Dhoofinta sonkorta acag gaaraysa 400 oo Milyan oo Doolar, taasi oo qeyb kamid ah la sheegay inay ku dhacdo gacanta Al shabaab.

“Ciidankeena kuma lug lahan dhoofinta dhuxusha iyo sonkor Somalia, sidee ula fariisan karnaa Al shabaab xitaa Hal Daqiiqo, maadaama ay yihiin cadowga na dilaya ee aan Dagaalka kula jirno,” ayuu yiri Colonel David Obonyo.

Wariyaasha soo saaray Warbixintan Cusub ayaa waxay kaloo ku eedeeyeen Ciidanka Kenya inay Tacadiyo baahsan oo ka dhan ah Bini’aadanimada ay ka geestaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid yihiin Kufsi, Jirdil, afduub iyo fulinta Weeraro Cirka ah oo lala bartilmaameedsaday Goobo ay ku nool yihiin Dad Shacab ah.

Sidoo kale Warbixinta ayaa sheegaysa in Ciidamada Kenya ayaa sioo kale la sheegay inay sanadkiiba 50 milyan oo doolar ka helaan canshuridda dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 2012-kii markii ay Ciidanka Kenya ka saareen Al shabaab magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu eedaynayay inay xad-gudubyo kala duwan u  geestaan Shacabka ku nool Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Xigasho: AFP

La wadaag

1 COMMENT

  1. MADAXWEYNIHII HORE EE kENYA ayaa horay u dhAHAy (Kenya iyo Ethiopia midna raali kama aha in Somaliya istaagto=dawlad yelato)….,markaa Kenya waxay samaynaysaa wax kasta oo somali dhib ku ah,wanaag Somaliyeedna anagu ma ka filayo,

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo