Muqdisho (Sh M Network)—Kulan maanta xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxey uga hadleen aqrinta labaad Hindiso Sharciyeedka Gudiga Maaliyad iyo Daqliga Qaraashaadka Dowalada Bilhii la soo dhaafay ee Janaayo ilaa Maarch 2015.

Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa kulankooda sidoo kale waxaa ay uga doodeen qaabka loo qaado Canshuraadka Dowlad iyo Daqliga Hay’addaha ka soo xarooda iyo sida Dowladdu ay u maareyso.

Xildhibaan Daahir Cabdi Maxamed oo dood ka dhiibanayay Hindisaha horyaalay Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday Canshuuraha ay qaado Dowladda in aysan ku dhicin Bankiga Dhexe ee Dalka.

Waxuu Xildhibaan Daahir Cabdi Maxamed carabka ku adkeeyay in lacagaha Canshuraadka ay ku dhacaan Xafiiska Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Daahir ayaa sidoo kale waxuu qeexay Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya in aysan waxba kala socon Canshuurta ay Dowladda qaado iyo Cidda lagu wareejiyo intaba.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn ka dalbaday Guddiga Ganacsiga in Wasiirka uu horyimaado si wax badan looga weydiiyo eedeynta loo soo jeediyay Wasaaradiisa.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here